Madaxweynaha dalka oo loo magacaabay inuu ka shaqeeyo horumarinta dhalinyarada caalamka

Qaramada midoobay ayaa hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta u magacaawday inuu noqdo horyaalka caalamka ee ka shaqeynaya horumarinta qorshayaasha la doonayo in lagu taageero dhalinyarada.
Arrintan ayaa shaaca looga qaaday magaalada New York ee Maraykanka halkaasi oo uu ka socdo kal fadhiga 73-aad ee golaha guud ee qaramada midoobay.
Magacaabidda Uhuru ayaa timid kadib markii la daahfuray barnaamijka wadashaqeynta caalamiga ah ee arrimaha dhalinyarada.
Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa doonaysa in meesha lagu gaaro sannadka 2030-ka qof waliba oo da’ayar ah uu helo waxbarasho tayo leh, tababar ku filan ama shaqo.
Waxaa uu qorshuhu yahay in barnaamijkan ay ka faaiideystaan 1.8 bilyan oo dhalinyaro ah oo ku nool guud ahaan dunida.
Mas’uuliyiin dhowr ah oo madashaasi ka hadlay oo uu ka mid yahay xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa isku raacay inaan xal loo heli karin dhibaatooyin ka taagan wadamo badan hadii aanan la horumarinin dhalinyarada.
Wadamada Kenya, Rwanda iyo Ghana oo ay matalayeen hoggaamiyaashooda ayaa noqday dalalka ugu horeeya qaaradda Afrika ee soo dhaweeyay barnaamijkaasi.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa aqbalay waajibaadka la saaray wuxuuna dhalinyarada ugu baaqay inay ka faaiideystaan fursadaha jira iyadoo dhanka kale dowladahooda ay ku dadalayaan inay garab siiyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *