Midowga Yurub iyo laanqeerta cas oo xariga ka jaray mashariic lagula dagaalamayo burcadnimada

Hay’adda laanqeerta cas qeybteeda Kenya oo kaashaneysa midowga Yurub ayaa maamul goboleedka Mombasa ee gobolka xeebta ku daahfuray barnaamij la doonayo in lagu caawiyo dhalinyarada.
Mashruucan ayaa qiimo ahaan ku fadhiya 50 milyan oo shilin waxaana looga gol leeyahay in lagula tacaalo falal dambiyeedyada ay ka mid tahay burcadnimada
Barnaamijkan ayaa soconaya muddo 4 sano iyadoo dhalinyarada loo sameynayo ganacsi si aysan ugu mashquulin falalka wax u dhimaya xasiloonida gobolkaasi.
Waxaa lagu bartilmaameedsanaya oo ka faaiideysan doono 110 koox oo laga soo xulay 6-da degaan ee gobolka xeebta.
Munaasabadii mashruucan lagu daahfurayay ayaa 11 ka mid ah kooxahaasi lagu guudoonsiiyay qalab ay ku shaqeysan karaan.
Dhalinyaradan ayaa in ka badan laba bilood qaadanayay tababaro ay ku horumarin karaan nooloshoda sido kalena ka caawinaya ganacsiga ay guda galayaan.
Xoghayaha guud ee hay’adda laanqeerta cas Kenya , Cabbas Guuleed ayaa sheegay inay bartilmaameedsanayaan in ka badan 2,000 oo dhalinyaro ah.
Waxaa uu sheegay in sido kale mashruucan laga fulin doono maamul goboleedyada Garissa iyo Mandhera ee gobolka waqooyi bari.
Taliyaha booliska ee Mombasa ,Johnston Ipara ayaa barnaamijkan soo dhaweeyay waxaa uuna ballan qaaday inuu labadan hay’adood ku tageeri doono dhaqangelintiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *