Modric oo ku guuleystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican aduunka.

FIFA ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqday in laacibka kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Croatia ee Luka Modric uu ku guulaystay abaal marinta laacibka ugu wanaagsan adduunka ee 2018.
Modric ayaa sanadkan la qaaday kooxdiisa Real Madrid Champions League isagoo sidoo kalena xulkiisa la gaaray Final-ka koobka adduunka.
Laacibkan ayaa abaalmarinta ku garaacay laacibiintii kula tartamaayay ee Cristiano Ronaldo iyo Mohamed Salah.
Cid fileysay malahan in Luka Modric uu abaalmarintan ku guuleysan doono.
Waa markii ugu horeysay uu Luka Modric ku guuleysto abaalmarinta waayihiisa ciyaareed.
Waana markii ugu horeysay uu abaalmarintan qaado laacib aan aheyn Lionel Mess iyo Cristiano Ronado tan iyo markii FIFA ay ka guurtay magaca Ballon d’Or.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *