Talyaaniga oo ansaxiyay shuruuc lagu tarxiilayo soo galootiga

Dowladda Talyaaniga ayaa meel marisay shuruuc cusub oo fududeynaysa in wadankaasi laga soo tarxiilo dadka soo galootiga ah.
Sido kale waxyaabaha shuruucdan loo adeegsan karo waxaa ka mid ah in soo galootiga lagala laabto dokumeentiyada dhalasho.
Waxaa uu sharcigan sido kale qeexaya in muhaajiriinta Talyaaniga gudaha u galay dalkaasi laga eryi karo haddii lagu helo dambiyada halista ah sida kufsiga iyo tacaddiyada kale.
Matteo Salvini oo ah wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee Talyaaniga ayaa shuruucdan ku micneeyay tallabo horay loo qaaday.
Si dowlada wadankasi ay u dhaqangeliso waxay u baahantahay tageerada baarlamaanka.
Waxyaabaha uu Talyaaniga si weyn ula dagaalamayo oo hadii qofka soo galootiga ah lala xiriiriyo aanan xita laga aqbali doonin codsiga ku aaddan in magan galyo la siiyo waxaa ka mid ah daroogada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *