DHAGEYSO Booliska oo xiray ugu yaraan 9 qof oo lala xiriirinayo iskudhacyada Narok

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa sii xoojisay dadaalada ay dib ugu soo celinayso xasiloonida guud ee ismaamulka Narok oo ay saameyeen iskudhacyo isir ku saleysan .
Booliska ayaa gacanta ku dhigay ku dhawaad 10 qof oo dhalasho aahan ka soo jeedo degaanka koonfurta Kuresoi.
Dadkan iyaga ah ayaa lala xiriirinaya rabshado ka dhacay degaanka hoose ama woodka Olpusimoru ee ku taallo waqooyiga Narok.
Guddoomiyaha dowlada dhexe ku matala maamul goboleedka Narok Mr. George Natembeya ayaa sheegay in eedeysanayaasha laga soo qabqabtay tuulada Olengape .
Waxaa uu intaasi ku daray inay siteen hub isugu jiray baangado, waramo iyo kuwo kale.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa degmada Oluposumoru ku soo rogtay bandow shaqeynaya aroortii ilaa iyo maqribkii.
Arrintan ayaa timid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu sii kordhay khasaaraha ka dhashay dagaalalo beeleedka saameeyay ismaamulada Nakuru iyo Narok.
Sido kale waxaa jira warar sheegaya in ugu yaraan 100 guri oo dheeraad ah dab la qabadsiiyay.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley ,Mongo Chimwaga ayaa sheegay in bandowga uu habeenkii xadidayo dhaqdhaqaaqa dadweynaha maadaama inta badan isku dhacyada la geysto xiliyada dambe.
Abaanduulaha booliska Mr. Joseph Boinnet ayaa dadweynaha ismaamulkaasi uga digay inay dhibaatooyin geystaan isagoo hoosta ka xariiqay in ciddii ku lug lahaato falalka dhaca xoolaha iyo amni darrada xabsiga loo taxaabayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *