DHAGEYSO Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Kosovo.

Wasiirka wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowlada Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galaya Shirka 73-aad ee Qaramada Midoobay uga socda Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa kulamo la qaatay Madax kala duwan oo ka socda wadamada Caalamka.
Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa la kulmay madaxda wadamo kala duwan iyo Hay’addo hoos taga Qaramada Midoobay, wuxuuna kala hadlay arrimo quseeya dalka Soomaaliya iyo gobolka intaba.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad masuuliyiinta uu la kulmay waxaa ka mid ah Wasiirada arrimaha dibadadda ee dalalka Ruushka, Qatar iyo Kosovo.
Kulankii dhexmaray Wasiirada Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Kosovo waxay kaga wada hadleen xariirka labada dal iyo sidii dowlada Soomaaliya iyo dhigeeda dalka Kosovo ay wadashaqayn wanaagsan u yeelan lahayeen sidoo kalena dowlada Soomaaliya ay safaarad uga furan lahayd magaalada Pristina ee caasimada dalka Kosovo.
dowlada Kosovo waxay sheegtay inay fududaynso adeegyada furitaanka safaarad Soomaliya ay ku yeelato dalkeeda.
wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya wuxuu sidoo kale la kulamay dhigiisa Qatar Sheikh Mohamed Bin Abdulrahman Al-thani waxayna ka wada hadleen xoojinta wadashaqaynta labada dal.
Axmed Ciise Cawad wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa sidoo kale wuxuu magaalada New-York kula kulmay jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaasna waxayna kawada hadleen sidii ay qurba joogtu uga qayb qaadan lahaayeen dhismaha iyo hormarka dalkooda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa madasha 73aad ee Golaha Guud ee Jimciyadda Qurumaha ka jeedin doono Khudbada dowlada Soomaaliya isagoo wakiil ka ah madaxwenaha Soomaaliya oo aysan sanadkaan u suuro galin inuu halkaasi tago.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *