Kenya oo ay ku yaryihiin saraakiisha ku takhasusay daawooyinka

Warbixin cusub oo la soo saaray ayaa lagu sheegay in Kenya ay wajahayso caqabad dhanka aqoonyahaanada ku takhasusay dawooyinka kala duwan oo tiradoodu ay weli hooseyso.
Mid waliba oo dhaqatiirtan ka mid ah waxaa uu u adeegaa 160,000 qof in kastoo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ay ku taliso in sarkaal waliba uu caawiyo 1000 qof.
Ururka ay ku mideysanyihiin shaqaalaha ka howlgalo farmashiyada dalka ee PSK ayaa sheegay in boqolkiba 6 keliya dhaqaatiir gaaraya 5,000 oo aqoon leh ay fursad u heystaan inay u adeegaan in ka badan 40 milyan oo kenyaan ah.
Arrimahan ayaa shaaca laga qaaday iyadoo shalay wadanka laga xusay maalinka caalamiga ah ee dhaqatiirta qaabilsan dawwooyinka lagula tacaalo cudurada kala duwan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *