Lataliyaha Gudoomiyaha Migori oo lagu eedeeyay dilkii Sharon Otieno.

Lataliyaha khaaska ee Gavanaha ismaamulka Migori Michael Oyamo ayaa lagu eedeeyay dilkii loo geystay ardayada jaamacada Rongo Sharon Otieno.
Oyamo oo ka soo hormuuqday xaakinka maxkamada Milimani ee magaalada Nairobi ayaa iska fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay.
Waxaa uu ku jiray xabsiga tan iyo 4-tii bishii September oo lala xiriirinaayay afduubkii loo geystay wariye ka tirsan warbaahinta nation iyo Sharon Otieno.
Baarayaashu ayaa sheegeen in ninkani uu ka dambeeyay dilka sidaasi darteedna ay ka soo horjedaan in lagu sidaayo damiin.
Kooxda u doodeysa ayaa maxkamada ka codsaday in damiin lagu siidaayo inkastoo ay haysanin codsi rasmi ah.
Sharon Otieno ayaa meydkeeda laga helay keynta Kodera 5-tii bishii September.
Baaritaanada dilkeeda ayaa muujinaya in Sharon la kufsaday dhaawacna laga gaarsiiyay caloosha, dabarka iyo qoorta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *