Maraykanka oo cunaqabateyn saaray saraakiil ka tirsan dowlada Venezuela

Dowlada Maraykanka ayaa cunaqabateyn hor leh saartay xaaska madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan maamulkaasi.
Madaxweynaha Maraykanka ,Donald Trump ayaa dhanka kale qaramada midoobay ka codsaday inay kaalin muhiim ah ka qaadato sidii hannaanka dimuqaradiyadeed loogu soo celin lahaa Venezuela.
Saraakiisha xayiraadda la saaray ayaa tiro ahaan gaaray 6 waxaana ka mid ah madaxweyne ku xigeenka Venezuela Delcy Rodriguez iyo wasiirka gaashaandhigga ,Vladimir Padrino.
Tallaabadan ayaa cadaadis dheeraad ah ku keenaysa maamulka madaxweyne Maduro oo wajahaya la tacaalidda caqabad dhaqaale.
Maraykanka ayaa dowlada Venezuela ku dhaliishay howlgalo ballaran oo ay ka dhasheen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul aadanaha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *