Pogba oo doonayo inuu ku biro Barca suuqa bisha janaayo.

Laacibka qadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba ayaa qorshaynaya inuu suuqa Janaayo ka tago kooxdiisa sida ay ku warameyso wargeyska the sun.
Xiriirka u dhexeeya Paul Pogba iyo tababarahiisa Jose Mourinho ayaa gaaray meshii ugu xumeyd kadib kulankii ay la gashay barbaraha kooxda Wolves.
Mourinho ayaa kabtanimada ka qaaday Paul Pogba kadib markii uu eedeyn u soo jeediyay kulankii Wolves.
Wakiilka Pogba ayaadurbaba bilaabay inuu qorsheeyo qaabkii laacibka reer France uu ugu biiri lahaa Barcelona suuqa bisha Janaayo.
Waxaa uu sheegay in Pogba uusan dooneynin inuu la sii shaqeeyo Mourinho, waana sababta uu uga tagayo kooxda, balse xaalada way is badali karta hadii macalinkaasi laga diro kooxda ka hor suuqa xagaagan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *