21 Shacab ah oo lagu Dilay Duqeymo ka Dhacay Afghanistan

Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa   ayaa sheegtay in 21 qof oo shacab ah lagu dilay  laba duqeymo dhanka cirka ah  oo laga  geystay gudaha wadanka Afghanistan.

Dadkaasi iyaga    ah    waxaa ka mid ah  14 carruur.

Howlgalka nabad sugidda  qaramada midoobay ee Afghanistan ee   (UNAMA) ayaa arrinkan shaaca uga qaaday  bayaan uu soo saaray galinkii dambe ee shalay.

12 qof oo hal qoys ka soo wada jeeda ayaa sido kale ka mid ah dadka  lagu dilay weerarada ay  fuliyeen ciidamada  Afghanistan  oo garab ka helaya Maraykanka.

Dhanka kale   afhayeenka wasaaradda gaashandhigga   ee Afghanistan  Ghafor Axmad Jawed  ayaa sheegay in howlgalo laga fuliyay  gobolka    Maidan Wardak  lagu soo badbaadiyay 8 sarkaal   oo ay  Kooxda  Talibaan afduubatay  iyadoo halkaasi lagu dilay 11 dagaalyahaano ah.

Waxaa uu intaasi ku daray in  baaritaano lagu sameyn doono  weerarada ay qaramada midoobay sheegtay inay dad rayid ah ku waxyeeloobeen.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *