(Dhagayso) Cali Ibrahim Roba oo si Adag uga Hadlay Musuqmaasuqa

Guddoomiyaha  ismaamulka Mandhera   Cali Ibrahim Roba ayaa  shacabka  ku nool maamul goboleedkaasi  ugu baaqay inaysan ka qeyb qaadan   falalka musuqmaasuqa  oo aynan lacago bixin si loogu adeego.

Sido kale waxaa uu dadweynaha ku booriyay inay dowlada kala shaqeyaan ka hor tagga iyo la tacaalidda waxisdabamarinada kala duwan.

 

Barasaabka  Mandhera ayaa dhanka kale shaaca ka qaaday qorshaha maamulka uu hoggaamiyo uu doonayo inuu kula dagaalamo musuqmaasuqa  oo uu sheegay inuu dib u dhac ku keeno horumarada la gaaray

Hadalkan ayuu jeediyay xili  galinkii dambe ee shalay   xaruntii hore ee dowlad goboleedka Mandhera  xilalkooda loogu dhaariyay  24  ka mid ah  saraakiisha sar sare ee  wasaaradaha kala duwan  oo la soo magacaabay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *