Kenya iyo Qaramada Midoobay oo kala Saxiixday Heshiis ku Saabsan Guriyeynta

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa goobjoog ka ahaa heshiis shalay lagu saxiixay magaalada New York ee Maraykanka.
Heshiiskan oo ay si wadajir ah qalinka ugu duugeen dowlada iyo jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa horseedaya in la dhiso 100,000 oo ah guriyo qiimo ay dadweynaha awoodan lagu deganaan karo.
Mashruucan fulintiisa ayaa waxaa iska kaashan doono Kenya iyo xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan mashaariicda horumarineed ee (UNOPS).
Mashruuca guriyeynta ayaa ka mid ah afar arrimood oo ugu waweyn kuwaaso maamulka talada haya ee jubilee uu sheegay inuu xoogga saarayo wax ka qabashadooda.
Mr.Kenyatta ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay tallabo horay loo qaaday waxaa uuna hoosta ka xariiqay inuu shacabka ku fududeynayo in sido kale ay helaan maalgelin ay guriyo ku iibsan karaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in qorshaha Jubilee uu yahay in la oofiyo ballanqaadyadii dadweynaha loo sameeyay xiligii ololaha doorashada iyadoo aanan culeys dheeraad ah la saarin wasaaradda maaliyadda.
Qiyaastii 13 bilyan oo doolar ayaa lagu qarash kelinaya barnaamijkan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *