Madaxweynaha Turkiga oo Jarmalka kula Taliyay inuu Gulen u Aqoonsado Argagixiso

Hoggaamiyaha wadanka  Turkiga   Recep  Tayyip Erdogan ayaa  dowlada  Jarmalka   u soo jeediyay in dhaqdhaqaaqa lala xiriiriyo Fetxullah Gulen ay u aqoonsato  urur argagixiso.

Arrintan ayaa lagu soo bandhigay  qoraal lagu daabacay  wargeys ka soo baxa  gudaha dalkaasi.

Turkiga ayaa Fetxullahi Gulen sannadkii 2016-kii ku eedeyay inuu soo abaabulay iskudaygii afgembi ee aanan lagu guuleysan.

In  kasto Gulen oo deggan Maraykanka uu iska fogeeyay eedeyntaasi, hadana xukuumada Ankara ayaa xirxirtay   dad dhowr ah oo  lala  xiriiriyay hay’adda ama  dhaqdhaqaaqa  FETO.

Shabakadda rasmiga ah ee wargeyska  Frankfurter Allgemeine Zeitung, ayaa lagu qoray in Mr. Erdogan uu doonayo in Turkiga iyo Jarmalka ay iska  kaashadaan sida lagu xakameyn karo xeerarka siyaasadeed ee Donald Trump   oo lagu tilmaamay kuwo horseedi karo dagaalo ganacsi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *