Wasiirka Beeraha oo ka Hadlay Qiimaha Cunnooyinka

Wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka, Mwangi Kiunjuri ayaa shirkadaha soo saaro booshada u soo jeediyay inay labadii kiila ku iibiyaan 75 shilin.
Waxaa uu wasiirku sheegay in xabsiga loo taxaabayo ganacsade kasta oo macaamiisha uga iibiya qiimo ka badan lacagtaasi.
Horranti bishan ayay ahayd markii shirkadaha qaar ay sheegeen inay qiimaha booshada ku darayaan 4 shilin maadaama la kordhiyay canshuurta shidaalka.
Hasa ahaate wasiirka ayaa carrabka ku dhuftay in qiimaha jumlada ee lagu iibiyo 90-kii kiila ee galeyda la dhimay boqolkiba 50 oo laga dhigay 1600 shilin marka loo barbardhigo sannadkii hore.
Mr. Kiunjuri ayaa hoosta ka xariiqay in qiimaha lagu kordhiyay canshuurta shidaalka ee ah boqolkiba 8 aanan loo baahnayn inuu saameeyo cunnooyinka inta badan ay kenyaanka isticmalaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *