Dowladda soomaaliya oo shaacisay lacagaha lagu leeyahay

Wasiirka wasaarada maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa faah faahin ka bixiyay lacagaha Soomaaliya lagu leeyahay oo gaaraya sida uu sheegay Afar Bilyan iyo Bar oo deyn ah.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray inay dowlado dhowr ah ay u yimmaadeen una sheegeen inay Soomaaliya ku leeyihiin deymo.
Hasa ahaate waxay dowlada soomaaliya dowladahaasi ku xirtay inay la yimadaan caddaymo muujinaya saxiixyadii dowladdii hore ee Soomaaliya ay la galeen maaddaama uu dalku ka dhacay bur-bur.
Waxa uu xusay inay dowladaha qaarkood ku guul darraysteen in ay keenaan caddeymo dhab ah oo lagu qanci karo, taas oo keentay inay ka jaraan kharashaadkii ay sheegteen, waxayna hadda lacagta deynta ah ka dhigeysa 4 Bilyan iyo bar Dollar, halka ay markii hore ka ahayd 5 Bilyan iyo Bar.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *