Jacque Maribe oo maanta dib ugu soo noqotay xarunta DCI

Jacque Maribe oo ah wariso ka tirsan warbahinta Citizen ayaa maanta markale ku soo noqotay xarunta dhexe ee DCI-da ee magaalada Nairobi si loo weydiyo su`aalo ku sabsan inay wax ka ogtahay dilkii loo geystay Monica Kimani.
Haweeneydan ayaa shaley qoraal uu qoray Joseph Irungu oo u ah lacag haya wax laga weydiyay.
Ms Maribe, ayaa la geeyay xarunta DCI-da kadib markii ay si iskeed u tagtay saldhiga booliska ee Kilimani, waxayna ku sugneyd ilaa saqdi dhexe ee xalay.
Laamaha amaanka ayaa sheegay inay donayaan inay macluumaad badan ka ogadaan haweeneydan oo ku sabsan dilka lagu edeynayo lacag hayaheeda oo ka dhacay meel u dhow gurigeeda Lang’ata maalin kadib markii la dilay Ms Kimani.
Jacque Maribe ayaa sidoo kale ninkan geysay isbitaala badan kadib markii lala xiriiriyay dhacdadan iyadoo ciidamada ay donayaan inay maclumaad badan ka helaan isbitaladaasi.
Sidoo kale saraakiisha amaanka ayaa doonayaan inay ogadaan qofka iska leh xabada iyo rasaas laga helay qolka qubeyska ee Ms Kimani.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *