Madaxweynaha Falastiin oo sheegay in dalkiisu uusan iib ahayn

Hoggaamiyaha wadanka Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa hadalo fariin culus dirada ka jeediyay golaha guud ee qaramada midoobay.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Falastiin aysan ahayn mid iib ah oo lagu gorgortami karo.
Maxamuud Cabbas ayaa loo sacab tumay markii uu khudbadiisa ku bilaabay arrinkaasi.
Sido kale sharci uu horay u meel mariyay baarlamaanka Isra’iil oo lagu aqoonsaday in Israa’iil ay tahay qaranka yahuuda ayuu ku micneeyay mid cunsuriyanimo laga dheehan karo.
Waxaa uu intaasi raaciyay in sharcigaasi isaga ah uusan horseedeynin in nabad la dhex dhigo Israa’iil iyo Falastiin.
Maamulka Trump iyo Israa’iil ayuu ku eedeyay in labaduba aysan u hoggaansamin qaraar caalami ah oo ay soo saartay qaramada midoobay.
Maxamuud Cabbaas ayaa sheegay in kadib safaaradii Tel Aviv ee Maraykanka uu u raray Quddus, falastiiniyiintu ay hadda xukuumada Washington ku eegayaan il hor leh oo ay micnaheedu tahay inuusan Maraykanku daacad ka ahayn geedisocodka nabadeed.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *