Midowga Yurub oo 100 milyan oo Yuuro ugu deeqay soomaaliya

Midowga Yurub ee EU-da ayaa guda galay tageeradii miisaaniyadeed ee ugu ballarnayd ee uu siinayo dowlada federaalka soomaaliya.
Dhaqaalahan loo yaboobay soomaaliya ayaa gaaraya 100 milyan oo ah lacagta Yuuro waxaana lagu tallaaba qaadaya saddexda bilood ee ka hartay sannadkan 2018 ilaa iyo 2021-ka.
Tageeradan dhaqaale ayaa la marin doonaa Dowladda Federaalka iyadoo la adeegsanayo nidaamka dowliga ah.
Hirgelinta bixinta dhaqaalahan ayaa bilaabanaysa bisha xigta ee Oktoobar ee sanadkan 2018-ka kadib marka la helo heshiis loo dhan yahay.
Mashruucan taageerada miisaaniyadda ayaa sidoo kale loogu magacdaray Heshiiska Dawlad Goboleedyada iyo Awoodda si degdeg ah uga soo kabashada dhibaatooyinka Soomaaliya.
Waxay tani imaanaysa kadib markii dhawaan Bangiga Aduunka uu ku dhawaaqay barnaamijka ugu horeeya ee Kaalmaynta Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee Dowladda Federaalka in ka badan muddo 30 sano ah, oo u dhiganta 80 milyan oo doolar.
Sido kale midowga Yurub ayaa bixinta dhaqaalahaasi ku saleeyay qiimayn ku-meel-gaar ah oo hay’adda lacagaha adduunka ee IMF ay ku sameysay Barnaamijka Kor joogteynta Shaqaalaha ee loo yaqaano (SMP).

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *