NISA oo sheegtay in la soo qabtay nin Al-shabaab u qaabilsanaa qaraxyada ay geystaan

Taliska Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyaa ee NISA ayaa shaaciyay in howlgal Magalada Muqdisho Xaafad ka tirsan laga sameeyey lagu qabtay xubin ka tirsanaa Al-Shabaab.
Hay’addan ayaa barteeda twitarka ku soo qortay in howlgaku uu ka dhacay barta EX-koontorool habeenimadii xalay.
Sarakiisha ayaa waxaa u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan Khabiir dhinaca qaraxyada u qaabilsanaa Al-Shabaab.
Qoraalka Nisa waxaa qeyb ka ah inaysan jirin cid wax ku noqotay ama ay dhibaato ka soo gartay howlgalka.
Nisa ayaa sido kale bulshada soomaaliyeed ugu baaqday inay ku garab istaagaan ka hor tagga cadowga sida uu qoraalku u dhiganyahay.
Hasa ahaate hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyaa mashaacin Magaca Xubintaas ka tirsan Al-Shabaab.
NISA ayaan sidoo kalena bixin faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgalka lagu soo qabtay xubin ka tirsanaa Al-Shabaab.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *