Rakaabkii saarnaa diyaarad ku burburtay Micronesia oo la soo badbaadiyay

Wararka naga soo gaaraya koonfurta wadanka Micronesia ayaa sheegaya inay halkaasi ku dhacday diyaarad
Mas’uuliyiinta gagida ama madaarka caalamiga ah ee diyaaradaha ee Chuuk ayaa laga soo xigtay in diyaaradda ay ku dhacday badda wadankaasi.
Diyaradda shirkadda Air Niugini oo laga leeyahay wadanka Papua New Guinea oo sawiro laga qaaday ayaa la arkayaa inay biyaha badda ku dhex jirto.
Waxaa diyaaradda saarnaa 47 qof oo isugu jira 35 rakaab ah iyo 12 kale oo ka shaqeynayay.
Dadkaasi ayaa lagu soo waramayaa inuusan soo gaarin dhaawac halis ah.
Waxaa durbaba maamulada wadankaasi ay guda galeen baaritaano lagu xaqiijinayo sababta ka dambeysay in diyaaradu ay dhaco in kastoo ilaa iyo hadda ay kala caddeen dhibaatadii ama cilaadi jirtay.
Maamulaha guud ee garoonka diyaaradaha ee Chuuk ,Jimmy Emilio ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in diyaaradda la doonayay inay degto hasa ahaate hasa ahaate ay u dhinayd 137.16 miitar.
Afhayeen u hadlay guddiga baaritaanada ku sameeyo shilalka ee wadanka Papua New Guinea ayaa sheegay inay khuburo ay sida ugu dhaqsiyaha badan gaarayan halka ay diyaaraddu ku dhacday.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *