Senetarka Narok oo iska fogeeyay eedeymo loo soo jeediyay

Ledama ole Kina, senetarka maamul goboleedka Narok oo ay maalmihii la soo dhaafay ka taagnayeen dagaalo isir ku saleysan ayaa beeniyay eedeymo ku saabsan inuu colaaddaasi hurinayo.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay inuu dowlada ku taageerayo howlgalada ay Keynta Mau uga saareyso qoysaska sida sharci darrada ah ku degay.
Hadalo ay jeediyeen siyaasiyiinta qaar ayuu ku tilmaamay kuwo aanan daacad laga ahayn oo laga leeyahay dano gaar ah.
Arrintan ayaa timid kadib markii qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka Rift Valley ay dalbadeen in xabsiga loo taxaabo Mr. Ledama oo ay ku eedeynayeen inuu jeediyay hadalo keenay kicin dadweyne.
Sido kale xildhibaanadda degaanka Njoro ee ismaamulka Nakuru, Charity Gathambi iyo wakiilka haweenka ee Kericho, Florence Bore ayaa waaxda dembi baarista ee dalka ka dalbaday inay gacanta ku dhigto kadibna su’aalo weydiiso Mr.Ledama.
Waxyaabaha ay haweenkan ku eedeynayaan Senetarka Narok ayaa ah inuu jeediyay hadalo loo fasirtay kuwo wax u dhimaya sumcadda dumarka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *