Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya oo kulan la qaatay safiirka Talyaaniga

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya u qaabilsan arrimaha ciidanka Danjire Carlo Campanile iyo sarakiil kale.
Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya ciidamada booliska Soomaaliya iyo booliska Talyaaniga.
Sidoo kale kulankaasi waxaa lagu soo hadal qaaday sidii dowladda talyaaniga ay uga qeyb qaadan laheyd dhismaha ciidanka Soomaaliya.
Hasa ahaate dajiraha dowladda Talyaaniga u fadhiyo Soomaaliya danjire Carlo Campanile ayaa balan qaaday in dowladdiisa ay kordhin doonto taageerida dib loogu dhisayo ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Danjiraha ayaa dhanka kale amaanay shaqada adag ee ay ciidamada Soomaaliyeed ay hayaan iyo howlaha dabadeynta ah ee ay ka wadaan guud ahan dalka.
Kulanka kadib Carlo Campanile iyo u qaabilsanaha arrimaha ciidanka ee safaaradda Taliyaaniga ee Soomaaliya ayaa waxa ay shahaado sharaf guddoonsiiyeen taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, taasi oo uu ku muteystay dadaalka iyo waxqabadka muuqda ee uu ku sameeyey ciidanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *