Dadkii ku barakacay dagaal beleedyadii ka dhacay Narok oo guriyahooda dib ugu laabtay

Ka idb markii ay dagaal beeleedyo ka dhaceen deegaano ka tirsan ismaamulka Nakuru ayaa hadda dadkii ku barakacay dagaaladaasi lagu soo waramayaa in ay guriyahooda dib ugu laabteen.

Xaalada deeganada ay coolada saameeyeen ayaa hadda ah mid degan ka dib markii halkaasi la geeyay ciidamo badan.

Dadkii ka barakacay guriyahooda ayaa sheegay in ay khasaara hantiyadeed kala kulmeed dagaalkii dhexmaray beelaha wada degaa deegaanka Olenguruoni ee ismamaulka Narok.

Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka wasaarada arrimaha gudaha ee dalka Dr Fred Matiangi uu balanqaaday in ciidamo dheeraad ah la geyn doono deegaanka uu dagaalka ka dhacay .

Dagaalkaasi ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed

 

 

 

 

 

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *