Ku dhwaad 400 oo qof oo ku dhimatay dhulgariirkii iyo duufaantii ku dhufatay magaalada Palu ee wadanka Indonesia

Duufaan ka dhalatay dhulgariir cabbirkiisu lagu qiyaasay 7.5 oo ku dhufatay magaala xeebeedka Palu ee wadanka Induniisiya ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen ku dhawaad 400 oo qof.
Dhulgariirkan iyo duufaanta ayaa ka dhashay Hirka badda .Kumanaan qof ayaa gurayahooda ka cararay ka dib markii ay biyo xoogan hoygooda ugu soo galeen.
2004-tii dhulgariir iyo duufaan tan la mid ah oo ku dhufatay jasiiradda Sumatra deegaannada ku gadaaman ee badda India waxaa ku dhintay 226,000 oo qof iyada oo 120,000 oo qof oo ka mid ah ay ku noolaayeen Induniisiya.
Dalka Induniisya ayaa wuxuu yahay dal u nugul duufaanta iyo dhulgariirka dhaca maadaamaa dalka oo dhan uu jasiirado tira badan oo bad ku hareereysan uu ka kooban yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *