Muuqaal Qiso dhab ah: Ma kula tahay adoo gacmaha ka go`an inaad noqoto tima jare?

Waxaanu ku nool nahay duni casriyoowday oo wax walba caadi ay iska noqon karaan.
Mararka qaar Waxaa wax walb fududeeyaa intarneedka iyo aaladaha kale si caalamku uu si deg deg iskula socdo gees ka gees.
Baraha bulshada waxaa dhawaanahan la isla dhexmaraayay sheeko ku saabsan wiil gacmaha naafa ka ah oo hab casri ah timaha u jaro wiilkaas ayaa dhashay isgoo gacmihiisa ay ka go`anyihiin Curcurrada.
Wiilkan oo lagu magacaabo Gabriel Heredia ayaa waxaa uu ka soo jeedaa wadanka Argentine, shaqadiisana waa tima jare.
Waxaa la weydiyay waxa ka gooyay gacmihiisa balse waxaa uu sheegay Gabriel Heredia in isaga oo sidan ah misna Curcurrada qabin uu ka soo baxay caloosha hooyadiisa micnaha uu ku dhashay sidaas.
Gabriel Heredia ayaa xiirida timaha ka dhaxlay Aabihiisa oo ahaan jiray tima jare.
Sidoo kale Gabriel ayaa dadka iska dhaadhiciyo inaysan gaari Karin waxa ay donayaan u sheegay inaysan heleynin natijo.
Wuxuu naftiisa ka dhaadhiciyay inuu wax qabsan karo sidasi darteedna wuxuu go`aansaday inuu noqdo tima jare wuuna hantay.
Doonista wiilkan ma noqon mid ku siman inuu ka gun gaaro mihnadiisa, balse waxa uu noqday Tima jaraha ugu wanaagsan dalka Argentine. Qisadiisa ayaa dad badan ku qasbeysa inay naftooda aaminaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *