Qalbi Dhagax oo ka degay Boosaaso

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Saraakiisha Ururka ONLF ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Soo dhaweynta Qalbi Dhagax waxaa ka qeyb qaatay xubno ka tirsan maamulka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda.
Qalbi Dhagax oo ah Sarkaal Sare ayaa dhaawaan saameyn weyn yeeshay ka dib markii dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay dowladda etoobiya ayna ku tilmaamtay Urur Argagixiso ONLF.
ONLF ayaa hadda laga saaray Liiska Argagixisadda kadib Isbedelkii ka dhacay dalka Itoobiya ee uu horseedka ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Axmed.
Hoggaamiyaha Xibiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa dhawaan sheegay in Qalbi Dhagax uu ku Casuumay Hargeysa,Maadaama lagu jirdilay Muqdisho kadib Itoobiya gacanta loo geliyay, waxaana uu maalmihii lasoo dhaafay uu ku sugnaa Hargeysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *