Xildhiban doonayo in madaxweyne Uhuru uu shirkada Mumias ka badbaadiyo inay burburto

Xildhibanka Kwanza, Ferdinand Wanyonyi ayaa madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ka dalbaday inuu shirkada Mumias ka badbaadiyo inay burburto.

Sharci dajiyasha ayaa sheegay inay muhiim tahay inuu madaxweynaha arrintani eego,Maadama ay bulshada deeganadaas ay aad ugu haboontahay shirkada.

Shirkada Korontada ee Kenya Power ayaa kajartay korontada Shirkada Mumias,Ayaga oo sheegaya in lacag badan lagu leeyahay shirkadaasi.

Guddi baarlamanka ka socday oo shirkada soo booqday arbacadii ayaa xusay inay jirto dagaal u dhaxeeya guddiga shirkada iyo maamulka taasi oo saameyn ku yeelatay horumarka shirkada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *