12 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay inta u dhexeysa Naivasha iyo Gilgil

Waxaa sara u sii kacday tirada dadkii ku dhintay shil saaka ka dhacay wadada u dhexeysa magaalooyinka Naivasha iyo Gilgil ee ismaamulka Nakuru oo ilaa iyo hadda gaartay 12 qof oo uu darawal ka mid yahay.
11 qof ayaa isla goobta ku dhintay halka mid kalena ay naftu daysay isagoo lala tacaalayo xaaladiisa.
Taliyaha booliska ismaamulka Nakuru, Xassan Barua ayaa sheegay in shilkan oo u dhexeyay bas iyo mid ka mid ah baabuurta xamuulka qaada uu dhacay 2:45 ee arrornimo ee saaka.
Taliyaha saldhiga booliska ee degaankaasi ,Emmanuel Opuru ayaa sheegay inay isku dhaceen bas iyo mid ka mid ah baabuurta xamuulka xili ay marayeen goobta loo yaqaano Sogea .
Mr Opuru ayaa intaasi ku daray in darawalkii baska kaxeynayay uu doonayay inuu baabuur kale ka hor maro ka hor inta uusan ku dhicin looriga oo dhanka kale ka soo baxay.
Sido kale Taliyaha ayaa carrabka ku dhuftay in baska uu ka soo ambabaxay ismaamulka Vihiga oo uuna ku soo wajahnaa caasimadda dalka ee Nairobi.
Baska shilka galay ayaa waxaa leh shirkadda The Climax iyadoo dadka ay dhaawacyada gaareen 12 ka mid ah lagu dabiibay isbitaalka magaalada Gilgil halka 5 kale oo ay xaaladoodu liidato loo sii qaaday isbitaalka guud ee maamul goboleedka Nakuru.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *