DHAGEYSO Madaxweyne ku xigeenka dalka oo ku baaqay inaan dowlada faragelin lagu sameynin

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Mr. Willaim Ruto ayaa maanta sheegay in kulkankii taarikhiga ahaa ee 9-kii bishii saddexaad ee sannadkan dhexmaray hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo madaxa mucaaradka Nasa Raila Odinga uusan ka dhignayn in maamulka talada haya ee jubilee faragelin lagu sameeyo.
Waxaa uu Mr. Ruto sheegay inuusan marnaba ogolaan doonin in sida uu hadalka u dhigay uu Mr. Odinga burbur ku keeno Jubilee.

Hadalkan ayuu jeediyay xili uu ugu yaraan 3,000 oo sabar loogooyin ah ugu wareejinayay dadka aan hooyga heysan ee degmada Majaoni oo ku taalo degaanka Kisauni.
Mr. Ruto ayaa sheegay inuu si weyn ugu diyaar garoobay inuu wajaho cid kasta oo isku dayeysa inay kala qeybsanaan iyo qalalaase ka dhex abuurto maamulka talada wadanka haya.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa sheegay inuu ka warqabo waxyaabihii ay ku heshiiyeen madaxweynaha iyo Mr. Odinga sidaasi awgeedna aanan loo baahnayn jahawareer siyaasadeed.
Mr. Ruto oo faahfaahin ka bixiyay sabarloogooyinka uu maanta qeybiyay iyo sida loo xallinayo caqabadaha dhanka dhulalka ah waxaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa

Sido kale ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa ka hadlay muhimadda ay leedahay inay madaxda dhamaan wada shaqeyaan iyo mashaariicda horumarineed ee maamulka jubilee uu ka fulinayo gobolka xeebta iyo guud ahaan dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *