Doorasho baarlamaani ah oo maanta ka dhaceysa Ciraaq

Shacabka ku nool waqooyiga Ciraaq ayaa maanta u dareeray doorasho baarlamaani ah oo ay ka qeyb qaadanayaan.
Arrintan ayaa imaanaysa hal sano un kadib markii kurdiyiinta ay isku dayeen inay ka madax bannaanadaan xukuumada Baghdaad in kastoo aysan ku guuleysan ololahaasi.
Waxaa la saadaalinaya in xisbiyada (KDP) iyo (PUK) ay labaduba xubno ku lahadaan baarlamaanka gobolkaasi.
Hadii xisbiga PUK uu kala jabo ama kala qeybsamo waxay ka dhigantahay in siyaasiga matalaya xisbiga kale ee KDP Mascuud Barzani uu ku soo bixi karo loolanka magaalada ugu weyn gobolkaasi ee Erbil .
Waxaa tartan loogu jiraa oo maanta loo codeynaya 111 kuraas ah oo 11 ka mid ah loo qoondeeyay qowmiyadaha laga tirada badanyahay.
Hasa ahaate waxaa soo baxaya warar sheegaya in boqolkiba 40 keliya ee dadka isdiiwangeliyay oo gaaraya 3.85 milyan ay codeynta u soo baxaan.
Goobaha codbixnta ayaa la filayaa in la xiro 6-da maqribnimo iyadoo natiijada hor dhaca ah lagu dhawaaqi doono muddo 72 saac gudahood ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *