Falastiin oo maxkamada ICJ u gudbisay dacwad ka dhan ah Maraykanka

Maxkamada caalamiga ee cadaalada ee ICJ ayaa loo gudbiyay dacwad ay dowlada Falastiin ku doonayso in Maraykanka lagula xisaabtamo tallaabadii uu safaradiisi Tel Aviv ugu wareejiyay Quddus ee muranka dhalisay.
Maxkamada ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Falastiin ay tallaabadaasi u aragto xadgudub ka dhan ah heshiis la saxiixday sannadkii 1961-dii.
Heshiiskaasi oo la magacbaxay Vienna Convention ayaa ku saabsanaan xiriirka wanaagsan ee dibloomaasiyadeed ee la doonayo inuu ka dhexeyo wadamada caalamka.
Sido kale Falastiin ayaa sheegtay in Quddus ay tahay mid maqaam sare leh sidaasi awgeedna Maraykanka uusan ka fiirsan wareejinta safaaradiisi Israa’iil.
Bayaanka maxkamada waxaa qeyb ka ah in dowlada Falastiin ay doonayso in garsoorayaasha ay waxba kama jiraan ka soo qaadaan safaaradii loo raray Jerusalem.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *