Falastiiniyiinta oo berri dibadbax ka dhigaya daanta galbeed

Shacabka wadanka Falastiin ayaa ku baaqay in la isugu soo baxo dibadbax ay qorsheynayaan inay berri oo isniin ah ka sameyaan daanta galbeed, marinka Qaza iyo bariga Qudds ee dalkaasi.
Mudaaharaadkaasi ayaa ah mid lagu tageerayo dibadbax ay dhigayaan carabta ku nool Israa’iil oo ay uga soo horjeedaan sharci Israa’iil u aqoonsaday inay tahay qaranka yahuudda.
Sharcigaasi oo xili sii horeeysay la ansaxiyay ayaa muran dhaliyay maadaama uu dhigaya in Yahuudda oo keliya ay xaq u leeyihiin in lagu aqoonsado gudaha Israa’iil.
Israa’iil waxaa ku nool 1.8 milyan oo aha carabta Falastiin waxayna tiradaasi u dhigantaa shan meelood hal meel tirada guud ee Israa’iil oo ah 9 milyan.
Maxamad Barakeh, oo horay uga tirsanaa baarlamaanka Israa’iil ayaa sheegay in dibadbaxa lagu baaqay iyadoo la kaashanaya falastiiniyiinta ku nool degaanada kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *