Guddoomiyaha Nairobi oo sheegay in la ballaarinayo  Isbitaalka  Pumwani

Ismaamulka  Nairobi ayaa qorsheynaya  inuu ballaariyo   isbitaalka ay hooyooyinka ku umulaan ee Pumwani si  ay sara ugu kacdo  tirada haweenka ee loogu adeego.

Barasaabka   caasimadda dalka  Mr. Mike Sonko ayaa sheegay in  halkaasi laga dhisi doono  qeyb  ka kooban 10  dabaq  oo qaadeysa 450  ah  sariiraha lagu seexiyo hooyooyinka  umusha ka  hor ama kadib.

Mike Sonko ayaa intaasi ku daray in  golaha hoose ee maamul goboleedka Nairobi  la rajeynayo in toddobaadka soo socdo uu ansaxiyo qorshahan.

Mr.Sonko  ayaa carrabka ku dhuftay  in dhagax dhigga  dhismahaasi  uu dhici  doono 20-ka bisha koow iyo tobnaad ee sannadkan si loo yareero ciriiriga hadda ka jira  isbitaalkaasi.

Guddoomiyaha ayaa sido kale sheegay  in qeybtan cusub ay  lahaan doonto  qolalka  umusha oo ay ka mid yihiin ilaa iyo afar tiyaatar 30 qeyb oo loogu talagalay naasnuujinta iyo xarumo kale oo muhiim ah.

Weli waxaan ku guda jirnaa arrimaha caafimaadka, waxaa  albaabada la isugu dhuftay 83 xarumood oo lagu iibinayay  daawooyinka loo isticmaalo cudurada kala duwan.

Guddiga  dowlada dhexe u qaabilsan  farmashiyada     ee  KPPB ayaa sheegay in xarumahaasi aynan ahayn kuwo dowlada  u diiwangashan.

Sarkaal  sare oo guddigan u qaabilsan  kormeerka lagu sameeyo daawooyinka  Mr. Julius Kaluai,  ayaa sheegay in howlgalo lama filaan ah oo ay sameyeen ay ku soo qabqabteen 83  qof oo dukaamadaasi iibinayay.

Madaxa   guddigan ee  gobolka bartamaha dalka  John Mwangi Kauki  ayaa isna sheegay  in ciidamada booliska ay si weyn uga qeyb qaateen howlgalkaasi.

37 qof oo ka mid ah eedeysanayaasha la xiray ayaa  ka shaqeynayay xarumo aanan diiwangashanayn oo ku yaalo bartamaha wadanka kuwaaso daawooyin looga iibinayay shacabka  halka   46 kalena laga soo  qabqabtay maamul goboleedyada kala ah  Machakos,Makueni, Kitui ,Meru, Tharaka Nithi, Embu  iyo   Isiolo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *