Tirada dadkii ku dhintay dhulgariir saameeyay Indonesia oo kor u dhaaftay 800 oo qof

Wararka naga soo gaaraya dalka Indonesia ayaa sheegay in ilaa iyo hadda 832 qof ay ku dhinteen wadankaasi kadib markii ay ku dhufteen dhulgariir iyo duufaanta xooggan ee loo yaqaano Tsunami.
Madaxweynaha Indonseia Joko Widodo ayaa maanta gaaray jasiiradda Sulawesi oo dhibaatadaasi laga soo tabiyay.
Maamulka qaran ee maareynta musiibooyinka ee Indonesia ayaa sheegay in baaritaano la sameeyay lagu ogaaday in saameyntu ay ka sarreyso sidii loo maleynayay.
Waxaa weli dalkaasi ka socdo howlaha baadigoobka iyo samatabixinta iyadoo dowlada Turkiga ay ka tacsiyeeysay geerida dadkii ku dhintay sido kalena ay sheegtay in ay tageero diyaar ula tahay Indonesia.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *