Guddi xal u raadinaya ciriiriga baabuurta Nairobi oo la howlgeliyay

Xubnaha guddi loo soo magacaabay inuu ka shaqeeyo sida lagu xallin karo ciriiriga dhanka baabuurta ee ka jira caasimadda dalka ee Nairobi ayaa shaqadoodu bilaabay.
Dhibaatadan oo sanado badan soo jirtay ayuu maamulka uu hoggaamiyo Mike Sonko doonaya in laga gudbo.
Hadii uu si buuxda u dhaqangalo qorshaha guddigan waxaa fududaanaya isku socodka gawaariga ee bartamaha magaalada.
Guddiga gaadiidka iyo badqabka ee Nairobi ayaa kulan la qaatay shirkadaha baabuurta waxayna u badhigeen waxyaabaha ay damacsanyihiin in lagu tallaabo qaado.
Kadib kulan magaalada Naivasha uga socday saddex maalmood ayuu wasiirka gaadiidka iyo kaabayaasha wadooyinka ee ismaamulka Nairobo Maxamad Dhaqane sheegay inay ka go’antahay in laga dhabeeyo arrimo dhowr ah oo lagu heshiiyay.
Waxaa uu wasiirku intaasi ku daray in guddigan uu ka koobanyahay xubno ka tirsan maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka ee NTSA, waaxda ciidamada taraafikada ee baabuurta kala haga iyo mulkiilayaasha baabuurta dadweynaha ay ku safraan.
Mr. Dhaqane ayaa carrabka ku dhuftay in maalin kasta bartamaga caasimadda dalka ay maraan 300,000 oo ah baabuur si gaar ah loo leeyahay iyo 40,000 oo mootooyin ah.
Guddoomiyaha shirkadaha basaska ee Nairobi , Edwin Mukabana ayaa soo dhaweeyay dadaalka loogu jiro in lagu soo afjaro ciriiriga dhanka isku socodka baabuurta.
Wuxuu sheegay in fikradaasi loo baahnaa in xili hore la dhaqangaliyo hasa ahaate maadaama hadda lagu baraarugay ay la shaqeynayaan guddiga fulinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *