Iiraan oo gantaal ku tuurtay Suuriya

Ciidamada Iiraan ayaa sheegay inay mid ka mid ah gantaalada ridada dheer ee wax gumaada ay ku tuureen bariga wadanka Suuriya.
Gantaalkan ayaa lala bartilmaameedsaday dagaalyahaano halkaasi ku sugan oo lagu eedeyay inay maalmo ka hor weerar ka geysteen koonfurta galbeed ee iiraan oo uu ka dhacayay dhoolatus militari.
Bayaan ka soo baxay sarakiisha Iiraan ayaa lagu sheegay inay diyaar u yihiin in si waliba oo u dhiganta looga ficil celiyo daandaansiga lagula kaco.
Hasa ahaate dhanka dowlada Suuriya ayaanan weli laga haynin jawaab la xiriirta sheegashada iiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *