Maraykanka iyo Canada oo heshiisyo saxiixday

Waxaa heshiisyo ku saabsan ganacsiga saxiixday dowladaha Maraykanka iyo Canada.
Dowladahan ayaa xalay sheegay in Mexico ay sido kale ku soo biiri doonto isfahanka dhacay.
Hehiiskan ayaa loogu magacdaray (USMCA) waxaa uuna cusbooneysiin iyo isbedel ku sameynaya mid qalinka lagu duugay ku dhawaad 25 sano ka hor oo loo yaqaano (NAFTA).
Heshiiskan hore ayuu madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump ku tilmaamay mid musiibo ah isagoo ballanqaaday inuu meesha ka saarayo.
Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen wakiilka ganacsiga ee Maraykanka Robert Lighthizer iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Canada Chrystia Freeland ayaa lagu sheegay in waxyaabaha la isku afgartay ay horseedayaan kobac dhaqaale.
Sannad kasta waxaa laba dhinac ka dhexeyn doonto ganacsi ay ka faaiidayaan 500 milyan oo qof kaasi oo dhaqaale ahaan ku kacaya 1 tiriliyuun oo doolar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *