Ruushka oo saddexdii sano ee la soo dhaafay ay 112 saraakiil ah uga dhinteen gudaha Suuriya

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ruushka ayaa shir jaraaid oo uu qabtay ka sheegay in saddexdii sano ee ugu dambeeyay gudaha wadanka Suuriya lagu dilay ciidamo dhan 112 oo dhalasho ahaan ka soo jeedo Ruushka.
Xukuumada Moscow ayaa sanadihii la soo dhaafay Suuriya ka waday howlgalo ka dhan ah dagaalyahaanada ka soo horjeeda maamulka madaxweyne Bashar Al-Assad.
Viktor Bondarev oo arrinkan shaaca ka qaaday ayaa ah guddoomiyaha guddiga amniga iyo difaaca ee golaha sharci dejinta ee xukuumada Moscow.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *