Suxufiyad ka mid ah howlwadeenada warbaahinta Citizen oo maxkamad la soo taagayo

Waxaa saaka la filaya in maxkamada la soo taago Jacque Maribe oo ka mid ah wariyaasha telefishinka maxaliga ah ee sida gaarka ah loo leeyahay ee Citizen.
Maxkamadeynta suxufiyaddan ayaa qeyb ka ah baaritaanada lagu la xiriira dil loo geystay gabadh lagu magacaabo Monica Kimani oo maalmo ka hor ka dhacay xaafadda Kilimani ee magaaladatani Nairobi.
Ms.Maribe ayaa waxaa maxkamada lala soo taagaya Brian Kassaine oo ay daris yihiin loona haysto in hub uu leeyahay uu adeegsaday eedeysane lagu magacaabo Joseph Irungu.
Mr. Irungu ayaa xiriir la leh Ms. Maribe.
Dacwad oogayaasha ayaa la filaya inay codsadaan muddo dheeraad ah in la siiyo si ay xabsiga ugu sii hayaan Maribe iyo Kassaine maadaama baaritaanada ay weli socdaan.
Mr.Irungu ayaa lagu eedeyay inuu dilay Monica Kimani waxaana maxkamada la soo taagay isbuucii hore kadibna la amray inuu xabsiga ku sii jiro 10 maalmood.
Booliska ayaa sheegaya inaysan dhab ahayn in Mr. Irungu la weeraray sida uu ku andacoonayo hasa ahaate uu isagu istoogtay.
Jacque Maribe ayaa la xiray sabtidii kadib markii waxyaabo ay boolisku u sheegtay oo ku saabsan dilka Monica Kimani loo arkay kuwo aanan iswaafaqsanayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *