Ugandha oo mamnuucday in bukaanada laga iibiyo dhiigga ay u baahanyihiin

Dowlada dalka Ugandha gaar ahaan waaxda u qaabilsan dhigga bukaanada lagu caawiyo ee UBTS ayaa mamnuucday in howlwadeenada caafimaadka ay dadweynaha ka iibiyaan dhiigga loo baahanyahay.
Waaxdan ayaa wacad ku martay in xabsiga loo taxaabayo dhaqaatiirta ama kalkaaliyaasha lagu caddeyo falkaasi.
Ms Joan Odyek oo ka mid ah xubnaha guddigan ayaa iyadoo ku sugan caasimadda wadankaasi ee Kampala sheegtay in lagu soo wargeliyay in isbitaalada sida gaarka ah loo leeyahay qaar ka mid ah ay bukaanka ka iibiyaan dhigga.
Waxay intaasi ku dartay in sannad kasta loo baahanyahay 340,000 oo booynti oo dhiig ah.
Dhiiga ayaa loo shubaa dadka uu ku yaryahay ama xaaladaha degdega ee halista ah sida shilalka ay la soo darsaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *