Ugu yaraan 7 qof oo lagu toogtay wadanka Guatemala

Wararka naga soo gaaraya dalka Guatelama ayaa sheegay in toogasho ka dhacday xabsi halkaasi ku yaalo ay ku dhinteen ugu yaraan 7 qof.
Toogashadaasi oo looga jawaabayay mudaaharaad ayaa waxaa sido kale ku dhaawacmay 4 qof oo kale.
Dibadbaxa ayaa ka dhashay iskudhacyo dhex maray maxaabiista ku jira xabsiga weyn ee magaalada Pavoncito sida laga soo xigtay afhayeen lagu magacaabo Rudy Esquivel.
Waxaa uu afhayeenku intaasi ku daray inuusan jirin ilaale ama sarkaal ay dhibaato soo gaartay.
Sido kale saraakiisha asluubta ayaa ugu dambeyn xaaladda dejiyay.
Sannadkii 2013-kii ayay ahayd markii ugu yaraan 12 maxaabiis ah lagu dilay rabasho isla xabsigan ka dhacay.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay inay maxaabiista dagaalamaan sido kalena shaaca lagama qaadin magacyada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *