10 qof oo lagu dilay qarax xalay ka dhacay suudaanta koonfureed

Ciidamada booliska ee dalka suudaanta koonfureed ayaa sheegay in weerar xalay lala eegtay goob lagu caweeyo lagu dilay ugu yaraan 10 qof halka tiro kale oo dhowr ahna ay ku dhaawacmeen.
Taliyaha booliska ee magaalada Yambio ayaa wakaaladad wararka ee Reuters u sheegay inuu dhaawac soo gaaray 6 qof.
Sido kale taliyaha ayaa carrabka ku dhuftay in dadkaasi ay xaaladoodu liidato sidaasi awadeedna loo qaaday isbitaalka guud ee magaalada Juba si ay u helaan daryeel caafimaad oo dheeraad ah.
Dhanka kale ugu yaraan 190,000 qof ayaa la rumeysanyahay inay ku dhinteen dagaalada sokeeye ee tan iyo 2013-kii ka taagnaa suudaanta koonfureed.
Labada dhinac ee Salva Kiir iyo Riek Machar ayaa bishii hore saxiixday heshiis lagu raja weynyahay inuu soo afjaro colaadda shantii sano ee la soo dhaafay soo jiitameysay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *