13 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay wadanka Afgaanistaan

13 qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay gobolka Nangarhar ee dalka Afghanistan ka dib markii qof is miidaamiyey uu weerar ku qaaday isu soo bax doorasho oo ka dhacaysay gobolkaasi.
Qaraxaasi ayaa sido kale ku dhaawacmatay in ka badan 30 qof.
Weerarkaasi ayaa markii uu dhacayay waxaa goobta doorashada isugu soo baxay taageerayaasha murashax baarlmaan oo lagu magacaabo Abdel Naser Momand .
Guddoomiyeha gobolkaas Ataullah Khogyani ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in Abdel Naser Momand uu qaraxa ka badbaaday, balse ma aanu sheegin in uu dhaawacmay iyo in kale.
Doorashada baarlamaaniga ah ayaa la qaban doonaa 20-ka bishan October waxaana jira cabsi laga qabo in ay rabshado dhacaan.
Kooxaha Taliban iyo Daacish ayaa sheegay in ay qaadacayaan inay dhacdo doorashadaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *