1,347 qof oo ku dhimatay dhulgariirkii ka dhacay wadanka Indonesia

Tirada dadkii ku dhintay dhul gariirka iyo duufaantii ku dhufatay wadanka Indonesia ayaa gaartay 1,347 qof, sida ay sheegtay wakalaadda ka hortagga masiibooyinka wadankaasi.
Dhul gariirka ayaa saamayn ku yeeshay jasiiradda bartamaha ku taalla ee Sulawesi halka dufaanta ay si wayn ugu dhufatay magaalada Palu.
Dadka waxaa soo wajahday cunno iyo biyo la’aan.
Kolonyo baabuur ah oo sida gargaar ayaa kusii qulqulayaa magaalada Palu iyadoo ay ilaalinayaan ciidammo.
Waxaa jirta cabsi ah in dadka qaar ay weli ku jiraan dhismayaasha buburay hoostooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *