34 qof oo ku dhintay xeebaha dalka Morocco kaddib markii ay degtay dooni ay saarnayeen

Ugu yaraan 34 qof ayaa ku dhimatay xeebaha dalka Morocco kaddib markii ay degtay dooni ay saarnaayeen badda Mediterranean-ka.
Dadkas dhintay ayaa doonayay inay gaaraan dalalka Yurub.
Wadamada ay ka soo jeedaan dadkaasi ayaa ila iyo hadda wali la shaacin inkastoo la aaminsanyahay inay ka soo jeeday qaar ka mid ah dalalka Africa.
Ku dhawaad 60 qof ayaa saarna doonida, labo maalin ayay badda dhex socotay, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay afahayeen u hadlay ha’yadda socdaalka caalamiga.
Ha’yadda IOM waxay sheegtay in 26 qof ay kasoo badbaadeen badda,waxaana loo qaaday magaalada Nador oo ku taalla Morocco.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *