DHAGEYSO Xarunta talo soo jeedinta Soomaaliya oo ka hadashay khilaafka maamulada iyo dowlada dhexe.

Kulan ay magaalada Muqdisho ku qabatay xarunta talo soo jeedinta Soomaaliya ayaa looga hadlay khilaafka u dhexeeya dowlada Soomaaliya iyo maamulada Xubnaha ka ah.
Amb C/raxmaan Diinaari oo ka mid ah masuuliyiinta xarunta talo soo jeedinta Soomaaliyeed ayaa warbaahinta u aqriyay bayaan ay maanta ka soo saareen kulankooda iyo qodobada ay uga hadleen.

Is afgaran waaga u dhexeeya maamulada iyo dowlada dhexe ee Soomaaliya ayaa meel sare gaaray kadib markii dhawaan shir ay hogaamiyeyaasha Maamuladu ku soo gabagabeeyeen magaalada kismaanyo ay ku sheegeen inay hakiyeen wadashaqayntii ay dowlada dhexe la lahaayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *