Guddiga NCIC oo kulamo ku qabanaya Nakuru

Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa maanta kulamo dhowr ah ku qabanaya ismaamulka Nakuru kaasi oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo nabadda.
Arrintan ayaa imaanaysa kadib iskudhacyo la rumeysanyahay inay salka ku hayaan dhaca xoolaha oo maalmihii la soo dhaafay laga soo tabiyay degaanada Molo iyo Njoro.
Guddigan ayaa u xilsaaran inuu ka hor tago jeedinta hadalada iyo sameynta ficilada keeni karo naceyb iyo kicin dadweyne.
Xoghayaha guddiga qaran ee NCIC Mr. Xassan Sheekh Maxamad ayaa sheegay inay kulamadaasi ku casuumeen waxgaradka labada dhinac si xaaladda loo dejiyo sido kalena aysan mar kale u dhicin rabshado ay dhibaatooyin lixaad leh ka dhalan karaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *