Iskudhacyo dhexmaray booliska Spain iyo dad doonaya inay gooni u goostaan

Wararka naga soo gaaraya dalka Spain ayaa sheegaya inay iskudhaceen ciidamada booliska iyo shakhsiyaad wado olole ay ku doonayaan in gobolka Kataloniya uu noqdo mid madaxa banaaan .
Kumannaan dad ah ayaa isugu soo baxay magaalada Barcelona iyo magaalooyinka kale ee gobolka Catalonia ku yaalla.
Waxay u dabaaldegayeen sannadkii guuradii koowaad ee ka soo wareegatay afti muran dhalisay oo siyaasiyiinta Kataloniya ay uga gol lahayeen inay gooni u goostaan.
Dadka mudaaharaadka ka qeyb qaatay ayaa tiradoodu lagu sheegay In ka badan 180,000 oo ruux
Booliiska ayaa isku dayay in ay kala diraan dibadbaxayaasha ku sugnaa bannaanka baarlamaan goboleedka Kaataloniya.
Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay ka mid yihin in dowlada Spain ay shaaciso in Kataloniya ay tahay jamhuuriyad gaar ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *