Qaramada midoobay oo Malaysia ka dalbatay inay mamnuucdo gabdhaha xili hore ragga loo guuriyo

Sarkaal ka mid ah khuburada arrimaha bani’aadanimo ee qaramada midoobay ayaa dowlada Malaysia ka dalbaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo afjarto gabdhaha yaryar ee xili hore loo guuriyo ragga ka waaweyn.
Waxaa uu muran arrimahan la xiriira taagnaa tan iyo bishii toddobaad ee sannadkan xiligaasi oo ay soo baxeen warar sheegayay in in 44 sano jir ah uu guursaday gabadh ay da’deedu tahay 11 sano.
Xukuumada ra’iisul wasaare Mahathir Maxamad ayaa sheegtay inay da’da sharciga ah ee gabdhaha lagu guursan karo ay ka dhigi doonto 18 sano in kastoo ay ka soo horjeedaan qaar ka mid ah culimada wadankaasi oo rumeysan in gabdhaha oo xili hore la guuriyo ay ka hor tag u noqonayso dhaqan xumada.
Maud de Boer-Buquicchio ayaa dowlada Malaysia kula talisay inay ilaaliso xuquuqda carruurta gaar ahaan gabdhaha .
Waxay intaasi ku dartay in dhaqankaasi oo aanan waxba laga bedelin uu inamada ka hor istaagaya inay fursad u helaan waxbarashada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *